Hargabku waa caabuq fayras oo ku dhaca sanka, cunaha, iyo marinnada sare ee neefsashada. Waa ku caan carruurta, meeshii qofka weyni uu sannadkii hargabco 2–4 jeer, ilmaha yar wuxuu hargabci karaa 8–10 jeer.
Calaamadaha Hargabka Ilmaha
Calaamadaha Ugu Badan: Qufac, san-xiran ama san-dheecaan, cun-xanuun, hindhiso, codka oo xera, iyo tabar-darro guud.
Calaamadaha Yar: Halka qandhadu (38–39°C) tahay mid aan mar walba jirin, waxaa kale oo dhici kara diir-xanuun, dheg-xanuun, indho gaduuta, iyo jidh-xanuun.
Farqiga u Dhexeeya Hargabka, Flu-ga, iyo Xasaasiyadda
1. Hargabka Caadiga Ah (Common Cold)
Sida uu u Billaabato: Wuxuu u billaabataa tartiib-tartiib (waxay ku qaadataa maalmo in calaamaduhu soo baxaan ka dib infection-ka fayraska).
Muddada uu qadanayo: Wuxuu u socdaa 7 ilaa 14 maalmood.
Calaamadaha Ugu Waaweyn: Wuxuu inta badan saameeyaa sanka iyo cunaha (san-xiran, san-dheecaan, cun-xanuun, qufac yar, iyo hindhiso).
Saameynta Ilmaha: Ilmo-yarku diyaar kuma aha laakiin howlihiisa caadiga ah iyo ciyaartiisa waa sii wadankaraa.
2. Flu-ga (Influenza)
Sida uu u Billaabato: Wuxuu u billaabataa degdeg aad u badan (saacado gudahood ayay calaamaduhu ku soo baxaan).
Muddada uu qadanayo: Wuxuu socdaa 1 ilaa 2 toddobaad.
Calaamadaha Ugu Waaweyn: Wuxuu saameeyaa wax ka badan sanka iyo cunaha. Wuxuu leeyahay qandho sare, jidh-xanuun daran, iyo daal ama awood-darro ba'an.
Saameynta Ilmaha: Ilmahu aad ayuu u daciifayaa, mana awoodo in uu sii wado howlihiisa iyo ciyaartiisa caadiga ah.
3. Xasaasiyadda (Allergy)
Sida ay u Billaabato: Waxay soo baxdaa isla marka uu ilmuhu taabto ama neefsado waxa xasaasiyadda ku ah (allergy).
Mudda xiledkisu: Wuxu socon karaa todobadyo ila biloyin inta uu ilmuhu u dhow yahay waxa xasaasiyadda ku dhaliya.
Calaamadaha Ugu Waaweyn: Hindhiso badan oo taxana ah, indho iyo san cuncun ah( oo an qandho lahayn)marmarka qar dhuun xanun lasocoto.
Daryeelka & Maareynta Hargabka Carruurta
Hargabka waxaa keena fayras (ka badan 200 oo nooc), sidaas darteed antibiotics-ku ma daaweeyaan. Waxaad u daryeeli kartaa sidaan:
Sii cabitaan badan: Caano ama biyo si looga baajiyo biyabax.
San-safi ahaan: Isticmaal dhibco milix leh (saline drops) iyo sanka oo loo nadiifiyo (bulb syringe).
Uumi ama Steam: Isticmaal uumiga biyaha di warm si marinnada sanka u furaan.
Malaha ama Malabka: Ilmaha ka yar 1 sano malab ma siin kartid, laakiin kuwa ka weyn 1 sano waxaa loo siin kara koob biyo diiran ah oo malab iyo liin leh.
Daawooyinka Qandhada: Isticmaal Paracetamol ama Ibuprofen mar walba adoo raacaya qiyaasta da'da ilmaha.
Goorta Joogtada ah oo Dr. loo Tago
Ilmahaagu ka yar yahay 3 bilood oo ay qandhadu tahay 38°C ama ka badan.
Ilmahaagu u dhexeeyo 3–6 bilood oo ay qandhadu tahay 39°C ama ka badan.
Calaamadaha hargabku ay ka badan yihiin 3 toddobaad.
Goorta la joogo in aad dhakhtar (GP) u weeydiiso kaalmo:
Haddii ilmahaagu leeyahay cun-xanuun socda ka badan 4 maalmood, qandho sare, iyo inuu guud ahaan xanuunsan yahay.
Ilmahaagu leeyahay qandho sare iyada oo uu ka muuqdo kulayl iyo gariir, maadaama uu ka bixi karo caabuq laabta ah (chest infection).
Haddii aad ka shakisay in ilmahaagu leeyahay neef (asthma).
Haddii uu leeyahay dheg-xanuun daran.
Xaaladda Degdegga Ah:
Haddii ilmahaagu uusan awoodin in uu liqo cabitaan ama candhuufta, ama ay ku dhibayso neefsashadu, toos u gooy qaybta degdegga (A&E) ama wac lambarka degdegga ah (sida 999 ama lambarka caafimaadka degdegga ah ee gobolkaaga) meesha ugu dhaqsaha badan.
Hargabku waa caabuq fayras oo ku dhaca sanka, cunaha, iyo marinnada sare ee neefsashada. Waa ku caan carruurta, meeshii qofka weyni uu sannadkii hargabco 2–4 jeer, ilmaha yar wuxuu hargabci karaa 8–10 jeer.
Calaamadaha Hargabka Ilmaha
Calaamadaha Ugu Badan: Qufac, san-xiran ama san-dheecaan, cun-xanuun, hindhiso, codka oo xera, iyo tabar-darro guud.
Calaamadaha Yar: Halka qandhadu (38–39°C) tahay mid aan mar walba jirin, waxaa kale oo dhici kara diir-xanuun, dheg-xanuun, indho gaduuta, iyo jidh-xanuun.
Farqiga u Dhexeeya Hargabka, Flu-ga, iyo Xasaasiyadda
1. Hargabka Caadiga Ah (Common Cold)
Sida uu u Billaabato: Wuxuu u billaabataa tartiib-tartiib (waxay ku qaadataa maalmo in calaamaduhu soo baxaan ka dib infection-ka fayraska).
Muddada uu qadanayo: Wuxuu u socdaa 7 ilaa 14 maalmood.
Calaamadaha Ugu Waaweyn: Wuxuu inta badan saameeyaa sanka iyo cunaha (san-xiran, san-dheecaan, cun-xanuun, qufac yar, iyo hindhiso).
Saameynta Ilmaha: Ilmo-yarku diyaar kuma aha laakiin howlihiisa caadiga ah iyo ciyaartiisa waa sii wadankaraa.
2. Flu-ga (Influenza)
Sida uu u Billaabato: Wuxuu u billaabataa degdeg aad u badan (saacado gudahood ayay calaamaduhu ku soo baxaan).
Muddada uu qadanayo: Wuxuu socdaa 1 ilaa 2 toddobaad.
Calaamadaha Ugu Waaweyn: Wuxuu saameeyaa wax ka badan sanka iyo cunaha. Wuxuu leeyahay qandho sare, jidh-xanuun daran, iyo daal ama awood-darro ba'an.
Saameynta Ilmaha: Ilmahu aad ayuu u daciifayaa, mana awoodo in uu sii wado howlihiisa iyo ciyaartiisa caadiga ah.
3. Xasaasiyadda (Allergy)
Sida ay u Billaabato: Waxay soo baxdaa isla marka uu ilmuhu taabto ama neefsado waxa xasaasiyadda ku ah (allergy).
Mudda xiledkisu: Wuxu socon karaa todobadyo ila biloyin inta uu ilmuhu u dhow yahay waxa xasaasiyadda ku dhaliya.
Calaamadaha Ugu Waaweyn: Hindhiso badan oo taxana ah, indho iyo san cuncun ah( oo an qandho lahayn)marmarka qar dhuun xanun lasocoto.
Daryeelka & Maareynta Hargabka Carruurta
Hargabka waxaa keena fayras (ka badan 200 oo nooc), sidaas darteed antibiotics-ku ma daaweeyaan. Waxaad u daryeeli kartaa sidaan:
Sii cabitaan badan: Caano ama biyo si looga baajiyo biyabax.
San-safi ahaan: Isticmaal dhibco milix leh (saline drops) iyo sanka oo loo nadiifiyo (bulb syringe).
Uumi ama Steam: Isticmaal uumiga biyaha di warm si marinnada sanka u furaan.
Malaha ama Malabka: Ilmaha ka yar 1 sano malab ma siin kartid, laakiin kuwa ka weyn 1 sano waxaa loo siin kara koob biyo diiran ah oo malab iyo liin leh.
Daawooyinka Qandhada: Isticmaal Paracetamol ama Ibuprofen mar walba adoo raacaya qiyaasta da'da ilmaha.
Goorta Joogtada ah oo Dr. loo Tago
Ilmahaagu ka yar yahay 3 bilood oo ay qandhadu tahay 38°C ama ka badan.
Ilmahaagu u dhexeeyo 3–6 bilood oo ay qandhadu tahay 39°C ama ka badan.
Calaamadaha hargabku ay ka badan yihiin 3 toddobaad.
Goorta la joogo in aad dhakhtar u weeydiiso kaalmo:
Haddii ilmahaagu leeyahay cun-xanuun socda ka badan 4 maalmood, qandho sare, iyo inuu guud ahaan xanuunsan yahay.
Ilmahaagu leeyahay qandho sare iyada oo uu ka muuqdo kulayl iyo gariir, maadaama uu ka bixi karo caabuq laabta ah (chest infection).
Haddii aad ka shakisay in ilmahaagu leeyahay neef (asthma).
Haddii uu leeyahay dheg-xanuun daran.
Xaaladda Degdegga Ah:
Haddii ilmahaagu uusan awoodin in uu liqo cabitaan ama candhuufta, ama ay ku dhibayso neefsashadu, toos u gooy qaybta degdegga.
#Neylahealth.com
0 Comments